Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo safar shaqo ugu maqnaa Jabuuti oo dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho(SNTV);- Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo saddaxdii maalin ee lasoo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ,waxaana garoonka diyaaradaha ee dalka magaaladda muqdisho kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka.

Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghhayaha Guud ee Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in mudada uu ku sugnaa Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka dalkaasi Jabuuti uu kullamo la qaatay madaxda dalkaasi.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo wafdi xildhibaano ah oo u hogaaminayo ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka jamhuuriyada jabuuti waxa ay kulamo halkaasi kula soo qaateen madaxda wadankaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geeele iyagoo sidoo kale ka qeyb galay 27-ka june oo ah sanad guuradii 41-aad ee kasoo wareegatay markii ay jabuuti xornimada qaadatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...