Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo munaasabad Afurin iyo Ciidsiin ah u sameeyay Dadka Aragga la’

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Munaasabad isugu jirta Afurin iyo Ciidsiin wuxuu u sameeyay maamulka, Howlwadeenada iyo Ardayda Aragga Naafada ka ah ee wax ka barta Dugsiga Albasiir ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Ku dhowaad 50-Qof ayaa loo qaybiyay Dharkii ay ku ciidi lahaayeen oo dhamaystirsan iyo Lacag uu ugu talagalay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali markii la afuray kadib.

Ustaad Abiikar Xuseen Bashiir oo ku hadlayay Afka maamulka Dugsiga Albasiir ayaa sheegay in xildhibaanka Shantii sano ee la soo dhaafay uu si wayn u garab taagnaa Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee ku jira dugsiga Albasiir, wuxuuna sheegay xildhibaanka inuu yahay masuulka kaliya ee aanan markasta ka daalin inuu caawiyo Ardayda Aragga La’a, isagoo ku baaqay in Madaxda kale ee dalka ay ku daydaan xildhibaanka.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay inay waajib tahay in la caawiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba maadaama imtixaanka ay marayaan loogu talagalay in dadka kale Caafimaadka qaba ay ku waana qaataan.

“Marka aad xiriir la leedahay dadka Baahiyaha gaarka ah qaba waxaad ogaanaysaa imtixaanka Ilaahay iyo Alle Nimcadda uu nasiiyay, waxaan markasta Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaa in laga war qabo dadka Baahiyaha gaarka ah Qaba, si loogu helo waxa ay u baahanyihiin.” ayuu yiri xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/rximaan Cumar Cismaan Yariisow oo gaba gabadii ka hadlay Munaasabadda ayaa xildhibaan Mustaf ku ammaanay dadaalka badan ee uu ugu jiro marka taageerada dadka Baahiyaha qaba, isagoo dhanka kale balan qaaday in maamulka Gobalka Banaadir uu ka shaqayn doono sidii Ardayda Aragga naafadda ka ah ee Dugsiga Albasiir loo heli lahaa dhul ku filan oo ay wax ku bartaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...