Dawladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay in ay iska kaashadaan xoojinta Amniga

Date:

Jabuuti(SNTV):— Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Kulanka intii uu socday ayaa isla gartay in labada dal ay iska caawiyaan arrimaha ay ka mid yihiin Xoojinta ammaanka, Hagaajinta xariirka arrimaha dibadda, ka faa’iideysiga Kheyraadka iyo in Jabuuti ay Soomaaliya ka taageerto dhanka Isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dawladood, waxa uuna walaalaha Jabuuti ku bogaadiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay abaal ay u hayso dawladda Soomaaliya mar walba aan ka go’i doonin qalbiyada Shacbiga Soomaaliyeed.

Kulanka ay yeesheen labada Ra’iisul wasaare waxaa goob joog ahaa xubnaha wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale, iyada oo dhanka Jabuuti ay uga qeyb galeen Wasiirada Wafaafinta iyo Isgaarsiinta, Gaashaadhingga iyo arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa ayaa kulanka kadib booqday xarunta Fiber optica ee dalka Jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...