Wasiirka Warfaafinta iyo ku xigeenkiisa oo la kulmay shaqaalaha

Date:

Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadda Mudane Daahir Maxamuud Geelle  iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Aadan Isaaq ayaa Maanta kulan la qaatay Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Kulankaan oo ahaa mid isbarasho ah oo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxda cusub ay isku baranayeen ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo Tababarrada Mudane C/rixiin Ciise Caddoow, isagoo wasiiradda u sharraxay tirada shaqaalaha wasaaradda iyo waaxyaha kala duwan oo ay ka shaqeeyaan.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Mudane Aadan Isaaq ayaa uga mahadceliyey shaqaalaha soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen iyo howsha culus oo ay u haayaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku shaqayn doonto  Laba Tiir oo udub dhexaad u ah guusha Qarannimada Soomaaliya.

“Labada arrimmood ee aan xoogga saari doonnaa ayaa kala ah sidii aan uga shaqeyn lahayn nabaddeynta iyo kor u qaadidda aragtida dowaldda ee nabad ku wada noolaanshaha dalka, halka Tiirka labaadna uu yahay in ay is akhbalaan bulshada Soomaaliyeed, taas oo fure weyn u ah mideynta shacabka Jamhuuriyadda”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Shaqaalaha ayaa lagula dardaarmay in ay dhowraan ammaannada ay Qaranka u hayaan, isla markaana  hoggaanka cusub ee wasaaradda uu la imaan doonaan isla xisaabtan ku saleysan caddaalad iyo hufnaan.

Ugu dambeyn wasiirka oo ay su’aallo weydiiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa ballan-qaaday in ay u istaagi doonaan sidii loo horumarinta lahaa Warbaahinta, kaabeyaasha wasaaradda farriinta shaqaalahana uu gaarsiin doonnaa madaxda sare ee Dalka.

         

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...