Kismaayo oo ku biirtay wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka

Date:

 

Muqdisho (SNTV)- Habeenkan caawa ah waxaa ku wada ballansanaa tartan aqooneedka bisha Ramadan degmooyinka xeebaha dhaca Xamar-weyne & Kismaayo  oo ka kala tirsan goballada Benaadir & Jubbada-Hoose.

Tartameyaasha Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar-weyne ay heleen waxay noqotay 4- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen afar  su’aal, mana jirin wax su’aal oo ay ka faa’ideysteen, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay  8-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Xamar weyne ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 2-aad.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benadir waxaa habeen dambe  foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Boosaaso & Deyniile oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Banaadir, waana habeenka ugu dambeeyo  wareegga labaad ee tartanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...