R/wasaare kuxigeenka Dalka oo ka Qeyb Galay Munaasabad lagu daahfurayay Tartan Quraan Aqris.

Date:

Muqdisho(SNTV) Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka tartan Qur’aan aqris heer Qaran ah oo sanadkasta la qabto ayaa si weyn ugu dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu qur’aanka Kariimka uu u leeyahay dadka iyo in la helo afkaar midaysan oo bulshada dhexdeedi ah si looga gudbo kala ququbnaanta.

Raiisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa soo hadal qaaday fikradaha xagjirnimada ah iyo kooxaha diinta sida qaldan u adeegsada, hadana banaystay dhiiga muslimiinta kuwaasi oo uu sheegay in looga gudbi karo oo kaliya in la helo bulsho haysata aragti midaysan, quraankuna uu dawo u yahay waxkasta.

“Marka hadii aan xadaaran aqoon fikirmidaysan iyo fikir midaysan iyo siyaasad ku salaysan Islaamka,aan ku salaynin manhabkeyna waxbarasho,waxaan ku sii soconaynaa fikirkaa kala duwan oo qaarkayna dhiigayna banaystay qaarna ay leeyihiin ka daaya,waa in aragtida la mideeyaa hadduu rabbi idmo,lagu dadaalo in wada hadal la furo si loo saxo dadka qaldan maskaxiyan maadaama aan qori waxba lagu maquuninkarin”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Munaasabadda Daah furka barnaamijkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Owqaafta  ayaa maalgelisay hay’adda Qadar Charity ee laga leeyahay Dalka Qadar waxaa sidoo sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Wasaaarddaasi, kuwa Dowlada Goboleedyada, Culimaa’udiin iyo Danjirayaasha Wadamada Qadar iyo Turkiga uu fadhiya Soomaaliya, iyadoo dadkii halkaasi ka hadlay uu ka mid aha SHeekh Bashiir Axmed Salaad guddoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ay soo jeediyeen in la kordhiyo barashada iyo fahamka micnaha Qur’aanka Kariim, islamarkaana loo dhiso xarumo lagu barto oo meelo wanaagsan ku yaala.

Xasan Macalin Xuseen oo ah wasiirka Diinta iyo Arrimaha Owqaafta Dowladad Soomaaliya ayaa balanqaaday in abaalmarino la siin doona qofkii guuleysta.

“Tartankan qur’aan aqriska ah wuxuu socond oona muddo isbuuc ah, waxaa la qaban doonaa markii uu dhamaado xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgalidoonaan madaxda sare ee dalka,waxaana lagu bixindoonaa abaalmarino”. Ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...