Cabdal-caziiz iyo Xamar-weyne oo si wada jir ah u lumiyay fursadaha Faa’ideysiga tartanka.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Habeenkan waxaa ku ballansanaa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan  degmooyinka xeebta dhaca ee Cabdal-zaziiz iyo Xamar-weyne.

Degmada Cabdal-caziiz dhammaan su’aalihii 7-ahaa ee la weydiiyay mid qura oo ah tan 5-aad ayay ka jawaabtay, kamana faa’ideysaan fursadaha  ay lumiyeen dhiggeeda xamar-weyne waxa ay sidaas ku  heshay 2-dhibcood.

dhanka kale waxaa iyana si lamid ah la weydiiyay 7-su’aalood degmada xamar-weyne, waxa ay si toos kaga jawaabeen 3-kamid ah , wax ka faa’ideysi ahna ma aysan haleelin, waxa ayna sidaas ku heshay 6-dhibcood.

Degmada xamar-weyne ayaa ugudubtay waraagga 2-aad ee tartanka, waxaana Cabdal-caziiz ay ku biirtay degmooyinka isaga haray tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan.

Habeen dambe waxaa ku ballansan  tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo ay tabineyso warbaahinta Qaranka sidoo kale uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir degmooyinka kala ah Yaaqshiid iyo Dharkeenleey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...