Maxaa kala qabsaday Dhahar & Hodan???

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wareegga 1-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan  qeybtiisa labaad ayaa caawa waxaa ku wada ballansanaa Dhahar iyo Hodan oo ka kala tirsan goballada Sanaag iyo Benaadir.

Min todaba Su’aalood ayaa middiiba la weydiiyay, waxaana ugu horreynba nasiib u yeeshay in Dhahar lagu billaawo weydiimaha tartanka.

Dhahar 7-Su’aalood ee loogu tala galay ayaay  ka jawaabtay 2-kamid ah, wax ka faa’ideysi ahna ma aysan haleelin,  waxa ayna sidaas ku heshay 4-dhibcood.

Dhanka kale degmada Hodan ayaa iyana si lamid ah la weydiiyay 7-su’aalood, waxa ay ka jawaabtay labo kamid ah, sidoo kale waxa ay fursad u heshay  1  ka faa’ideysi oo soo hareer martay Dhahar waxa ayna sidaas ku aruursatay 6-dhibcood taasi oo u suura  gelisay in ay ugudubto wareegga 2-aad halka Dhaharna ay sidaas ku  hartay.

Habeen dambe oo ah habeenka 3-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo ay tabineysi warbaahinta Qaranka isla markaana  uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir  waxaa ku wada ballansan degmooyinka Jilib & Garbahaarey oo ka kala tirsan goballada  Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarisay Hey’adda SODMA

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkaan abaalmarinta hoggaamiyaha ugu...

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo u furtay Aqoon-isweydaarsi masuuliyiin ka tirsan DFS

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusmaan Cabdi...

Ciidamada Gorgor oo howlgal ka fuliyay deegaanno ka tisan Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee...