Toyota oo xarun ka furatay Muqdisho

Date:

Mogadishu (SNTV)-Shirkadda ayaa 27-sana kadib ka furatay xafiis ay leedahay magaalada Muqdisho oo uu maanta  xariga ka jaray wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Somalia Maxamed Cabdi Xayi Maaraaye.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha maal gelinta shirkadaha shi-sheeye ay ku maal gashanayaan Soomaaliya, waxa uu  sidoo kale sheegay in Soomaaliya baabuurta laga isticmaalo ay isku soo mari jireen ilaa laba gacan balse wixii xilligan ka dambeeyo arrimahaas la xalin doono.

Shirkadda ayaa sameyn doonto dalabyo cusub iyo dib u habeyn lamid ah sida dowladaha kale ee caalamka ay ula macaamilaan, waxa ayna arrintan qeyb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo arrimaha  ganacsiga Soomaaliya.

Hadalkan ayuu u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA, waxa uuna sii raaciyay in Soomaaliya wixii xilligaan ka dambeeyo ay dunida u iib geyn-doonto agabyada ay caanka ku tahay halka xilli hore Soomaaliya loo iib keeni jiray alaabaha dowladaha kale.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...