Madaxweynaha Jabuuti oo Xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Wafdigii la socday

Date:

Djibouti (SNTV), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdigii uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax iyo masuuliyiin kale.

S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa Madaxweynaha Dawladda Jabuuti, waxa uu kala hadlay dhinacyo badan oo ammaanka quseeya iyo siddii Jamhuuriyadda Soomaaliya looga taageeri lahaa adkeynta Nabad gelyada.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ballan qaaday in gacan weyn Dawladda Djibouti ay ka geeysan doonto taageerada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,  kordhinta tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Geelle sida walaaltinimada ay ka muuqato ee  loogu  soo dhaweeyey Djibouti, waxaana uu tilmaamay in uu yahay Hiil Walaal oo Soomaaliya mar walbo garab taagan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...