Guddoomiye Yarisow oo Daah Furay Barnaanijka Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Caasimadda

Date:

Muqdisho, 03 Maajo, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta daah furay Barnaanijka Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Benaadir, ayaa sheegay ujeedka ugu weyn ee arrintan laga leeyahay in ay tahay shacabka talada in dib loogu celiyo.

Barnaamijkan ayaa waxaa dhinac socda qorshaha Isku xirka Maamulada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka dalka, arrimaha lagu falan qeeyey kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa dowrarka iyo kaalinta Maamullada degmooyinka, hey’adaha amaanka iyo garsoorka Degmooyinka Gobolka Banaadir, Hoggaaminta suuban, Xalinta Khilaafaadka, sareynta sharciga iyo Dawladda wanaagga.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimada ay u leedahay bulshada iyo Dawladnimada Soomaaliya in la hello maamul hoos laga soo dhisey, si bulshadu ay iyagu go’aan uga gaarto cidda matalaysa.

“Si magaalada Muqdisho looga hirgeliyo dimuqoraadiyad hana-qaada looguna diyaar garoobo doorashooyinka 2020 dalka oo dhan ka dhici doona muwaadinkuna u helo fursad ah inuu wax doorto lana doorto, waxaan bilownay geeddigan oo leh habraac dhameystiran oo ku jirto wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo Garsoorka dalka”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Caasimadda ayaa tilmaamay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay shacabka ku nool Caasimadda in loo dhaweeyey maamulka, isla markaana arrintaas ay ka dhalatay kalsooni iyo wadashaqeyn buuxda. Waxuna xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in shacabku ay yeeshaan talada lagu hagayo deegaankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...