Wasiir Maareeye oo shir guddoomiyay shir ku saabsan iskaashiga Ganacsi Soomaaliya iyo Turkey oo Istanbul ka dhacay

Date:

Istanbul(SNTV) Shirkan oo looga hadlayo horumarinta iyo iskashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka furmay magaalada Istanbul ee Dalkaasi Turkiga ,iyadoo uu shir guddoominayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Waxaa shirkaasi ka qeybgalaya shirkado ganacsi oo laga leeyahay wadamada Soomaaliya iyo Turkiga,kuwaasi oo gaaraya ilaa 100 shirkadood oo ganacsi,iyaga  oo ka wada hadlay isdhaafsiga aragti ku dhisan Maalgashi iyo fursado kale oo ka bannaan labada dal.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya waxaa ku wehliya shirkaasi wafuud ka kala socota Dowlada Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka iyo rugaha ganacsi ee dalka kajira,waxaana la isdhaafsaday argti ku aadan sida la isaka kaashan karo horumarinta ganacsiga ee labada Dal.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dalka loo gaar siin lahaa horumar ballaaran,iyadoo loo marayo wadiiqooyinka maalgashineed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...