Olole nadaafadeed oo ka billoowday qaybo ka mid ah Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV) Waxaa qaybo ka mid ah Gobolka Banaadir xalay ka billoowday Olole nadaafadeed oo lagaga hor tagayo wasaqda ka dhalataa xilli Roobaadyada.

Ololahan nadaafadeed ayaa laga sameeyey Laamiga Suuqa Degmada Karaan Gobolka Banaadir, iyadoo lala tacaalayay sidii loo hagaajin lahaa Carada ay soo ragaan Biyaha Roobka oo xilligan oo kale xira Waddooyinka waaweyn ee Caasimadda.

Guddoomiye ku xigenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Basma Caamir Shikeeti, maamulka Degmada karaan, howl-wadeenada Dowladda hoose iyo qaar ka mid ah shacabka degmadaas ayaa hormuud ka ahaa ololahaan.

Guddoomiye ku xigeen amniga iyo siyaasadda ahna kusimaha guddomiyaha Degmada Kaaraan , Saalax Maxamed ayaa sheegey ololahan nadafadeed ee ka billowday Degmada Karaan inay qorsheyeen inuu socon doono Sedex Maalmood.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir, Basma Caamir Axmed ayaa shacabka iyo maamulka Degmada karaan ku amaantay isxilqaanka iyo shaqada wanaagsan ee ay qabanayaan, waxeyna intaa ku dartay inuu maamulka Gobolka Banaadir wado qorshe cusub oo bilicda Caasimada lagu soo nooleynayo.

Intii uu socday ololahan nadafadeed ayaa godoomiyaha arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir waxey   xog waraysi ku aaddan sida ay suurto galka u tahay soo celinta bilicda Degmada Kaaraan la qaadataya Dadka ganacsiyada kala duwan ku leh hareeraha waddooyinka shaqada laga hayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...