Madaxweynaha Dalka oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray Qoyskii uu ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi oo ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Marxuumka in allaah uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa, waxaana uu guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi.

Sidoo kale Siihayaha Guddoomiyaha, Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa isna ka tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi Duurey oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaanada K/Galbeed ayaa dhawaanahaan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana xalay uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdish

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee AFRICA CDC

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb-galay kulanka Wasiirrada Warfaafinta Carabta ee Kuwait

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb-galay Madasha Wasiirrada Caafimaadka Afrika 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr....

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay Shirka Carabta ee yareynta Khataraha Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...