Ciidanka Booliska oo Gacanta Kusoo dhigay Horjooge ka tirsan Aragagixisada Daacish.

Date:

Muqdisho(SNTV)–Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooyo waxay kusoo qabteen Horjooge ka tirsan Argagixisada Daacish, kaasi oo markii lasoo qabaneynayey Wadada Afgooye aado ku aasayey waxyaabaha Qarxa.

Horjoogahan oo Ciidanka Booliska ay ku soo bandhigeen Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Jaamac Xuseen Xasan, waxaana horay uu uga tirsanaa Nabad diidka Alshabaab sida uu sheegay.

“Markii hore waxaan ka tirsnaa Alshabaab waxaana xiligaas ka howlgali jiray deegaanka Beerxaani, kadib waan ka soo tagay Waxaana Ku biiray Kooxda Daacish waxaana aaday Gobolka Bari” ayuu yiri Horjooge  Jaamac

Jaamac ayaa qirtay in gacantiisa uu ku dilay dad fara badan, isaggoo xusay muddo seddex sano ah inuu ka mid ahaa Kooxda Argagixisada Daacish.

Ciidanka ayaa Horjooge Jaamac waxay lasoo qabteen Labo qof oo dumar, kuwaasi oo Argagixisada u qidmeynayey, una qaabilsanaa dhanka Shirqoolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...