Wasiir Beyle” Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka maaliyadda (Sawirro).

Date:

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta iyo cafinta deymaha Soomaaliya ee ka socda Washington DC ayaa rajo ka muujiyay inay natoojo wanaagsan kasoo baxdo kulanka.

Wasiir Beyle oo kulammo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Bankiga Adduunka, hay’adda IMF iyo masuuliyiintii kale ee shirka kasoo qayb gashay ayaa sheegay inay ku qanceen habka ay Soomaaliya u maareeyso dhaqaalaha kooban ee soo gala Dalka.

“Shirka aan la qaadannay Bankiga Adduunka iyo IMF waxay aad ugu qanceen qaabka maamulka Maaliyadda., waxayna noo ballan qadeen in ay naga caawin doonaan arrimaha Deynta” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Mudane; C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa intaa raaciyay inay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay inay ku shaqayso hufnaan iyo aragti fog, wuxuuna ballan qaaday inay wasaaradda maaliyaddu laba laabi doonto dedaalladeeda ku aaddan kobcinta dhaqaalaha Dalka si Beesha Caalamku u aaminto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...