Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha bilic soo celinta degmooyinka Gobolka Benaadir.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha bilic soo-celinta iyo nadaafadda Gobolka.

Guddoomiyaha oo goobahaas kula kulmay masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ayaa faray in ay dardar geliyaan howlaha bilicda iyo nadaafadda, maadama la galay xilli roobaadka, loona baahanyahay in shaqo badan laga qabto gudaha magaalada.

Guddoomiyaha oo tilmaamay mudnaanta ay siinayaan ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Caasimadda ayaa sheegay in Maamul ahaan ay kala shaqeeynayaan degmo kasta oo ka tirsan Gobolka Benaadir sidii ay ugu fududeeyn lahaayeen qalabka iyo taageerada muhiimka u ah howlaha nadiifinta iyo ilaalinta deegaanka.

“Masuuliyad wayn ayaa maamulka degmooyinka ka saaran in ay ka shaqeeyaana nadiifinta goobaha ay biyaha iyo caradu fariisteen kaddib roobabkii da’ay, sidaas darteed waxaan farayaa in ay u gutaan masuuliyaddaas sida ugu haboon uguna macquulsan, sababtoo ah ma aqbali karno in ay hoos u dhacdo bilicda iyo nadaafadda Caasimadda shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Eng.Yarisow.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in uu si dhow ula socon doono shaqooynka ay ka qabtaan Maamulka Degmooyinku iyo laamaha faya dhowrka heer Gobol ilaalinta bilicda iyo nadaafadda, iyadoona kormeerro joogta ah oo ku saabsan arrinkan uu degmo kasta ku tagi doono.

Guddoomiyaha ayaa ugu baqaay shacabka Gobolka Benaadir in ay la shaqeeyaan howl-wadeennada u taagan habeen iyo maalin ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Gobolka, isagoona si gaar ah uga codsaday gaadiidleeyda in ay dul-qaataan wakhtiyada kooban ee laga shaqeeynayo daryeelka waddooyinka gudaha magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...