Soomaaliya oo mar kale codsatay in laga cafiyo deymihii lagu lahaa.

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in laga cafiyo deymihii lagu lahaa Soomaaliya muddo ku dhow 30 Sano, ka dib markii ay kasoo baxday shuruudihii lagu xiray.

Shir loogu hadlaya sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha ,looguna samayn lahaa mashaariic kala duwan ayaa lagu qabtay Magaalada Washigton DC ee Dalka Maraykanka, waxana Soomaaliya uga qayb galay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan, iyo Wasiirka Kalluumeysiga C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Waxaana kulankan oo ahaa mid caalami ah ka qayb galay Dalalka qaaraan bixiyayaasha caalamka loo yaqaan, Midowga Yurub, Qaramada midoobay, hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Norway.

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya, ahna xoghayaha guddiga dhaqaalaha, Dr; C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inay caalamka iyo hay’adda Lacagta Adduunka tusaan inay Dowladda Federaalku samaysay horumar la taaban karo, taasoo horseedi karta in laga saamaxo deynkii lagu lahaa Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wadiiqada Cafinta deymaha ay kol hore soo billaabatay, iyaguna ay marsiinayaan halkii u wanaagsanayd, haatanna ay qabaan rajo wanaagsan maaddama ay si fiican u maareysay Dowladdu dhaqaalihii Dalka.

Yididiilada ugu weyn ee ay qabaan ayuu wasiirku ku tilmaamay in dhaqaalihii Waddanka sare loo soo qaaday, ka dib markii meesha laga saaray hay’ado gaar loo leeyahay oo si aan sharciga waafaqsanayn ku maamuli jiray Ilaha dhaqaalaha Dalka, saamiga ay qaataanna uu ahaa mid aad u badan, isla maraakaana aan wax Canshuur ah laga qaadi jirin adeegyadooda maaddaama ayan xilligaasi jirin Dowlad la xisaabtanta.

“Tusaale Isgaarsiinta waa kuwa ugu waaweyn dhaqaalaha Soomaaliya, wax macna leh oo Dowladda Canshuuro siin jiray ma jiro, waxaa sidoo kale ka mid ahaa Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho oo uu kasoo xaroodo dhaqaale aad u badan, ayuu yiri Wasiirku.

Dr: Xaashi ayaa sheegay inay xukuumaddii hore ay 12 qandaraas oo ahaa adeegyo ay Dowladda dhexe lahayd siisay shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah haatanna ay Dowladdani dib ugu soo celisay Gacanteeda, halkaas oo uu ku lumi jiray dhaqaale fara badan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan qorshe lagu mideynayo habka canshuur uruurinta Dalka si daqliga ka soo gala Dowladda dhexe Ilaha dhaqaalaha ee Muqdisho uu mid la mid ah ugu yimmaaddo dhanka maamul Goboleedyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...