Wasiirka arimaha dibada xukumada soomaaliya oo kulan la qaatay safiirka talyaani soomaliya u fadhiya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Issa Awad ayaa qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mr.Carlo Campanile isaga oo ka guddoomay dhambaal casuumaad ah.

Intii kulanka lagu gudajiray waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, iyadoo loo marayo istratijiyad siyaasadeed ee nabadgelyo iyo dhaqaale si loo xoojiyo maqaamka xiriirka taariikheed ee labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah u dhexeeya.

waxaa sidoo kale laga dooday arrimo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka iyo sidoo kale xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika Mudane Abdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...