Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday guddi iskaashi iyo wadashaqeyn ka dhexeey doonaa hey’adaha Q.M

Date:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dhismaha guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, kaasi oo u idman la shaqeynta iyo inuu iskaashi toos ah la sameeyo guddi kale oo Qaramada Midoobey oo dib laga faafin doono si loo horumariyo istiraatiijiyadaha suuragalka ay tahay inay u gogol xaarto raadraacidda fulinta qorshayaasha horumar ee lagu xoojinayo maqaamka Soomaaliya iyo waxa shacabkeedu hantiyay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay leedahay barnaamijyo horumarineed oo muujinaya muuqaalka dhaqaale, siyaasad iyo bulsho oo ka qeyb ah istiraatiijiyad ee hirgeliya hab dhamaystiran oo wax ku ool ah ee koritaanka joogtada ah, taas oo wadada u xaareysa, xoojinaysana xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalalka kala duwan ee adduunka.
Guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay ayaa waxa uu ka kooban yahay sidatan:
1- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (Martigeliye)
2- Wasaaradda Maaliyadda
3- Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha
4- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
5- Wasaaradda Amniga Gudaha
6- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
7- Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka
8- Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – Wasiiru dowle
9- Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha – Heer Agaasime Guud
10- Maamulka Gobolka Banaadir – Duqa Magaalada/ heer kuxigeen
11- Xafiiska Madaxweynaha – heer lataliye

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...