Mareynkanka oo muddo kordhin u sameeyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab iyo Bucad badeeda.

Date:

Donal Trump,madaxwenaha dalka Mareynkanka ayaa saxiixay xaalad deg deg ah oo looga dan leeyahay in lagu kordhiyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Maleeshiyada Al-Shabaab,sidoo kalena lagu ciribtiro kooxaha Burcad badeeda ee qatarta ku ah amniga marin biyoodka dalka.

Amarka xaaladda deg deg ah oo Mareynkanka Soomaaliya saaray sanadkii 2010-kii ayaa hadda waxay dhaceysaa bisha May ee soo socota,sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka cad ee Mareynkanka.

Warka ka soo baxay Mareynkanka ayaa lagu sheegay in xaaladda deg deg ah ee ugu horeysay lagu dhawaaqay sanadkii 2010-kii,waxaana la kordhiyay dhowr jeer sababo la xiriira weerarada Burcad badeeda ka jira xeebaha Soomaaliya iyo Maleeshiyada Al-Shabaab oo kordhay.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka shalay oo arbaco ah ka soo baxay Aqalka cad,waxaa mudo hal sano ah lagu kordhiyay xaaladda deg deg ah ee lagu doonayo in lagu ciribtiro Maleeshiyada Al-Shabaab oo hadda u muuqda kuwo sii daba go’aya.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa dadaal ugu jira sidii dalka looga saari lagaa Kooxaha Argagixisada oo hadda bilaabay iney u cararaan dhulka howdka ah,iyadoo halkaasina ay ku duqeynayaan diyaaradaha Mareynkanka ee loo yaqaano Drones-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...