wasiirka ciyaaraha xukumada soomaliya oo daahfurtay mashruuca tayeeynta ciyaaraha dalka

Date:

Munaasabadaan wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku daah fureysay mashruuca hormarinta iyo tayeynta Ciyaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb galey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, wasiiradda ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlad goboleedyada masuuliyiinta bahda ciyaaraha iyo marti sharaf kale.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Cabdullahi Cumar Fanax oo ku hadlayey afka dowlad goboleedyada dalka, ayaa sheegey in wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada dhexe ay ku guuleysatay  qorsheyaasha lagu tayeynayo ciyaaraha dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan, ayaa shegey in maamulka gobolka Banaadir uu soo dhaweynayo shirkaan looga tashanayo tayeynta iyo hormarinta Ciyaaraha dalka, muddada uu socdana waxa uu shegey inuu rajeynayo qorshe haga dhalinyarada Soomaaliyeed in laga soo saari doono.

Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo  Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa daah furtay shirkan looga arrinsanayo hormarinta iyo tayeynta Ciyaaraha Soomaaliya, waxeyna goobta uga dhawaaqday Lixda bishaan oo ku beegan seddex maalin kadib Muqdisho in lagu qaban doono tartanka Orodka Fudud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...