wasiirka ciyaaraha xukumada soomaliya oo daahfurtay mashruuca tayeeynta ciyaaraha dalka

Date:

Munaasabadaan wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku daah fureysay mashruuca hormarinta iyo tayeynta Ciyaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb galey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, wasiiradda ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlad goboleedyada masuuliyiinta bahda ciyaaraha iyo marti sharaf kale.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Cabdullahi Cumar Fanax oo ku hadlayey afka dowlad goboleedyada dalka, ayaa sheegey in wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada dhexe ay ku guuleysatay  qorsheyaasha lagu tayeynayo ciyaaraha dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan, ayaa shegey in maamulka gobolka Banaadir uu soo dhaweynayo shirkaan looga tashanayo tayeynta iyo hormarinta Ciyaaraha dalka, muddada uu socdana waxa uu shegey inuu rajeynayo qorshe haga dhalinyarada Soomaaliyeed in laga soo saari doono.

Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo  Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa daah furtay shirkan looga arrinsanayo hormarinta iyo tayeynta Ciyaaraha Soomaaliya, waxeyna goobta uga dhawaaqday Lixda bishaan oo ku beegan seddex maalin kadib Muqdisho in lagu qaban doono tartanka Orodka Fudud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...