wasiirka maaliyada oo sheegay in shacabka soomaaliyeed ay diyaar u yihiin bixinta canshuurta

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo Shir Jaraa’id maanta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in ay hirgashay canshuurta Gadista, isagoona u mahad celiyay Ganacsatada Soomaaliyeed uu sheegay inay Laf dhabar u yihiin Dhaqaalaha dalka.

“Waxaa farxad ii ah inaan iraahdo Canshuurtii yareyd ee Gadista way hirgashay, Canshuuraha aan soo kordhinay wax badan ayay soo kordhiyeen, Bishiiba Hal Milyan iyo bar ayay soo kordhiyeen, Canshuurta boqolkiiba shanta ah ee aan kusoo rognay wixii dibada ka yimaada aad ayay u yar tahay, wadamada aan tartanka kula jirno waa 15 iyo 30, marka wadanka wuxuu ku dhismayaa in casnhuurta la iska qaado”ayuu yiri Beyle.

Wasiir Beyle ayaa dhinaca kale sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysatay hal sano oo Imtixaan oo ay ka qaaday Hay’adda Lacagta Aduunka, wuxuuna sheegay in Lacagta looga baahnaa in ay kor u dhaafeen Hal Milyan iyo Bar

“Hay’adda Lacagta aduunka ee IMF heshiis baan la galnay kal hore, Heshiiskaas mid adag ayuu ahaa, hal sano oo Imtixaan ah ayaan galnay waan ku guuleysanay, Bishaarada waxay tahay Lacagtii nalooga baahnaa Milyan iyo Bar baan kor u dhaafnay, waana guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiir Wasiirka.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in Soomaaliya ay tagi doonto Shirarka waa weyn ee IMF iyo World Bank , isagoona sheegay in Hay’adda Lacagta Aduunka ay u sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu horeeya ee is hormarinaya, sababtaas darteedna Dalal badan ay Casuumaad u fidinayaan Soomaaliya, si hormarkeeda kaga qeyb galaan, wuxuuna sheegay in Soomaaliya aysan wali gaarin halkii loo baahnaa laakiin hadii Masuuliyad la is saaro dadaalkana la laba jibaaro Dalkaan siduu ahaa iyo kasii wanagasan ayuu noqon karaa ayuu yiri Wasiir beyle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...