Heshiisyo dhex maray Soomaaliya iyo Pakistaan.

Date:

Dowlada Soomaaliya iyo Pakistaan ayaa ka Shalay oo Kamiis ahayd ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.

Kulan Caasimadda Pakistaan ee Islamabad ku dhex maray la taliyaha arrimaha Siyaasadda dibedda ee Madaxweynaha Soomaaliya, Balal Maxamed Cusmaan, iyo la taliyaha dhinaca ammaanka Dalka Pakistaan Gen; Nasser Khan Janjua, ayaa lagu gorfeeyay sidii loo adkayn lahaa xiriirka qotada dheer ee Labada Waddan.

Gen; Nasser Khan Janjua, oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay Soomaaliya tahay Waddan leh fursado wanaagsan oo qani ah, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhinacyo badan oo mudan in laga faa’iideysto.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga Labada Waddan, gaar ahaan Ganacsiga, horumarinta kheyraadka Aadanaha, Difaaca iyo sugidda ammaanka Dalka Soomaaliya, iyagoo si isku mid ah u ballanqaaday inay si wadajir ah ugu shaqeyn doonaan qodobbada lagu heshiiyay.

Danjiraha Somaaliya u joogta Dalka Pakistaan, Amb; Khadija Mohammad Al-Makhdoomi, oo kulanka qayb ka ahayd ayaa soo dhoweysay iskaaashiga iyo heshiiskan Taariikhiga ah ee dhex maray Labada dhinac, waxayna sheegtay inay Pakistan leedahay awood weyn oo wax looga qabto arrimaha amniga gudaha, iyadoo ay Soomaaliyana dooneyso inay wax ka barato Khibraddeeda.

Isha/ APP

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo la kulmay Wefdi ka socda Midowga Yurub

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise...

R/W ku-xigeenka labaad “Helitaanka aqoonsiga Qaranka waa xaq dastuuri ah oo muwaadinka leeyahay.”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Maxamuud Macallin oo Kenya ka daah-furay Mashruuc ay ku baxayso lacag $40 Milyan ah

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka ( SoDMA ) Mudane Maxamuud...