Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar oo farriin u dirtay

Date:

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar Amb: C/qani Maxamed Wacays ayaa ku war geliyay Soomaalida Dalkaasi ku nool in ay taxaddar muujiyaan Saddexda Maalin ee ay doorashadu socoto, wuxuuna kula dar-daarmay inaysan marnaba ka tagin aqoonsiyadooda, si ay  Safaaradda u soo wacaan haddii ay dhibaato la kulmaan.

Amb; Wacays ayaa u sheegay Soomaalida ku nool Dalka Masar in xilliyadan oo kale dhici karaan rabshado laga yaabo inay iyaga waxyeello ka soo gaarto, sidaa daraaddeedna loo baahan yahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Doorashooyinka ka socda Dalka Masar ayaa lagu wadaa inay soo gaba-gaboobaan Berrito oo Arbaco ah, iyadoo natiijadana la shaacin doono Saddexda illaa Afarta Bisha April ee Sanadkan 2018-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR AHNA OO DAAH-FURAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE DUGSIYADA DHEXE

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...