Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar oo farriin u dirtay

Date:

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar Amb: C/qani Maxamed Wacays ayaa ku war geliyay Soomaalida Dalkaasi ku nool in ay taxaddar muujiyaan Saddexda Maalin ee ay doorashadu socoto, wuxuuna kula dar-daarmay inaysan marnaba ka tagin aqoonsiyadooda, si ay  Safaaradda u soo wacaan haddii ay dhibaato la kulmaan.

Amb; Wacays ayaa u sheegay Soomaalida ku nool Dalka Masar in xilliyadan oo kale dhici karaan rabshado laga yaabo inay iyaga waxyeello ka soo gaarto, sidaa daraaddeedna loo baahan yahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Doorashooyinka ka socda Dalka Masar ayaa lagu wadaa inay soo gaba-gaboobaan Berrito oo Arbaco ah, iyadoo natiijadana la shaacin doono Saddexda illaa Afarta Bisha April ee Sanadkan 2018-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed...

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...