Italy oo agab caafimaad iyo daawooyin ku wareejisay dowladda Soomaaliya.

Date:

Safiirka Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Campanile ayaa qalab caafimaad iyo Daawooyin ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Abaanduulaha Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Generaal Bille Aadan Ibraahim ayaa safiirka ka Guddoomay deeqdani Qalabka caafimaad iyo Daawooyinka ee loogu talagalay Cisbitaalka Xoogga dalka.

Qalabkaan caafimaad oo ay ka mid yihiin Sheybaaro iyo Daawooyin loogu talagalay Cisbitaalka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,taasi oo qeyb ka qaadaneysa sare u qaadida horumarinta dhanka Qalabka Caafimaad Cisbitaalka.

Dowladda Taliyaaniga ayaa ka mid ah Dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka Horumarinta Ciidamada,iyadoo ka qeyb qaada dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...