Italy oo agab caafimaad iyo daawooyin ku wareejisay dowladda Soomaaliya.

Date:

Safiirka Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Campanile ayaa qalab caafimaad iyo Daawooyin ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Abaanduulaha Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Generaal Bille Aadan Ibraahim ayaa safiirka ka Guddoomay deeqdani Qalabka caafimaad iyo Daawooyinka ee loogu talagalay Cisbitaalka Xoogga dalka.

Qalabkaan caafimaad oo ay ka mid yihiin Sheybaaro iyo Daawooyin loogu talagalay Cisbitaalka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,taasi oo qeyb ka qaadaneysa sare u qaadida horumarinta dhanka Qalabka Caafimaad Cisbitaalka.

Dowladda Taliyaaniga ayaa ka mid ah Dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka Horumarinta Ciidamada,iyadoo ka qeyb qaada dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...