Shirka Wasiirada shaqada Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmay Jiddah

Date:

Shirka Wasiirada shaqada Ururka Iskaashiga Islaamka kiisa Afaraad  ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudiga.

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya  Salah Ahmed Jamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray halkaas ayaa ka qeyb qeyb-galay shirkan Wasiirada shaqada ee Ururka iskaashiga Islaamka.

Shirkan waxaa soo qabanqaabiyay Wasiirada Shaqada Sacuudiga oo la kaashanaysa Ururka Iskaashiga Islaamka,waxaana ka qeyb qaadanayaa wasiirada Shaqada 56 dal oo ka tirsan dalalka Islaamka,isagoo socon doono muddo labo maalin ah.

Ujeedada shirka ayaa ah sidii la isku dhaafsan lahaa  macluumaadka ku saabsan xagga shaqada, siyasadda iyo barnaamijyada kale ee ku lug leh horumarinta shaqada iyo shaqaalaha.

Sidoo kale, inta uu socda shirka waxaa kaloo lagu qaadaa dhigi doonaa istaraatiijiyada shaqada wasaaradaha wadamada Islaamka siiba xagga shaqo siinta,barnaamijka kale ee howlgelinta dhalinyarada iyo sidii shaqo loogu abuuri lahaa, iyadoo lala kaashanayo Ururka Iskaashiga islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...