Shirka Wasiirada shaqada Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmay Jiddah

Date:

Shirka Wasiirada shaqada Ururka Iskaashiga Islaamka kiisa Afaraad  ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudiga.

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya  Salah Ahmed Jamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray halkaas ayaa ka qeyb qeyb-galay shirkan Wasiirada shaqada ee Ururka iskaashiga Islaamka.

Shirkan waxaa soo qabanqaabiyay Wasiirada Shaqada Sacuudiga oo la kaashanaysa Ururka Iskaashiga Islaamka,waxaana ka qeyb qaadanayaa wasiirada Shaqada 56 dal oo ka tirsan dalalka Islaamka,isagoo socon doono muddo labo maalin ah.

Ujeedada shirka ayaa ah sidii la isku dhaafsan lahaa  macluumaadka ku saabsan xagga shaqada, siyasadda iyo barnaamijyada kale ee ku lug leh horumarinta shaqada iyo shaqaalaha.

Sidoo kale, inta uu socda shirka waxaa kaloo lagu qaadaa dhigi doonaa istaraatiijiyada shaqada wasaaradaha wadamada Islaamka siiba xagga shaqo siinta,barnaamijka kale ee howlgelinta dhalinyarada iyo sidii shaqo loogu abuuri lahaa, iyadoo lala kaashanayo Ururka Iskaashiga islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo magacowday xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka

Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY LATALIYAHA AMNIGA QARANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen...