Cabdi-Xaashi oo qaabilay Michael Keating (Sawirro).

Date:

Kulankaan ay wada qaateen Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa waxay uga hadleen dastuurka iyo howlaha aqalka sare.

Kulanka oo saxaafadda dibad joog ay ka ahayd,ayaa  markii uu soo gaba-gaboobay waxaa saxaafadda la hadlay habdhooraha Golaha Aqalka sare ee  baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Kaafi Macalin Xasan, waxa uu sheegay in arrimaha dastuurka iyo furitaanka fadhiyada aqalka sare  looga hadlay kulanka, iyaddoo Ergayga gaarka ee Q.M ee  Soomaaliya ay tahay markii 3aad ee kulan uu la qaato Guddoonka Golaha Aqalka sare.

Dhinaca kale Xarunta Golaha Aqalka sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa kulan ku lahaa xubnaha guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole baarlamaanka  JFS, iyaddoo kulankaasi uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waxaana laga doodayay oo qodob qodob loo dul istaagayay qabyo qoraalka dastuurka,  kulankana waxaa ku sugnaa xubno ka socday dowlad goboleedyada oo xubno ka noqonaya  guddiga sida warbaahinta uu u sheegay Sen, Xuseen Sheeq Maxamuud xoghayaha guud ee guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

 

 

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...