Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Kulmay

Date:

 

Addis Ababa, 28 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu qeyb galayo Shir-Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika, ayaa waxa ay kulan gaar ah yeesheen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyey horumarka la taaban karo ee Dowladdu ka sameysay dhinacyada siyaaadda, amniga iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiniciisa sheegay in Dowladda ay ka go’antahay sii xoojinta dib u heshiisiinta iyo xasillina dalka, isaga oo intaas ku daray Madaxweynuhu in ay muhiim tahay in Qaramada Midoobay ay dardargaliso caawimaadda ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa isla soo qaaday meesha ay mareyso u diyaarinta ciidamada Soomaaliya in ay amniga dalka la wareegaan , Xoghaye Guterres ayaana qiray in Ciidamada Soomaaliya ay yihiin kuwo la isku hallayn karo oo u baahan in la taageero oo kaliya , waxa uuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in Qaramada Midoobay ay gargaar dhinaca bini’aadanimada ah gaarsiin doonto Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...