Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo Gaar Gaar la qaadanayo Madax Kala Duwan

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulamo Gooni Gooni ah  la yeeshay Hay’adaha  Gaar gaarka, Madaxda Midawga  Afrika iyo wakiilada Ururada Caalamiga ah, Midowga Yurub, e ka qeyb galaya Shirka Madaxda Midowga Afrika ee ka socda Addis Ababa.

Madaxweynaha Somaliya Kuanka uu la qaatey Wafdiga Midawga Yurub ugua warbixiyey xaaladda guud ee dalka, isagoo u mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada ammaanka, horumarinta iyo gargaarka bini-aadantinimada. Madaxweyne Farmaajo waxa uu kala hadlay Midowga Yurub in ay kordhiyaan dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, taas oo madaxdii ka socotay Midowga Yurub   ay bogaadiyeen dib-uqaabeynta dhismaha Amniga Qaranka ee ay waddo Dowladda Soomaaliya.

Madaxda wafdiga Midowga Yurub ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsanyihiin Socdaalka Nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu Madaxweynuhu ku maray deegaannada Puntland iyo Galmudug, Wafdiga ayaa sheegay in xiriirka wanaagsan ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah, uu horseeday guulo wada-shaqeyneed oo muhiim u ah hor u socodka Soomaaliya.

Wafdiga Midowga Yurub ee Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay, waxaa hoggaaminayey Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah Stefano Manservisi iyo Madaxa Maamulka Waaxda Adeegyada Dibadda ee Midowga Yurub Koen Vervaeke.

Wafdiga Midowga Yurub ee Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay, waxaa hoggaaminayey Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah Mudane Stefano Manservisi iyo Madaxa Maamulka Waaxda Adeegyada Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Koen Vervaeke.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...