Gen Osmaan Nuur ย Subagle ayaa ugu horreynba ย sharaxay sidii ay AMISOM qeyb kaga aheyd doorashooyinkii ย lagu soo doortay Madaxweyne Maxmed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxa uu sheegay in geedi socodka howlaha nabad gelyada iyo u taba-baridda howlaha amniga iyo farsamo ee xilligii doorashooyinkii ย ย eey kaalin weyn ka qaateen .
xiriirka ka dhexeeye ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay in uu sii xoojiyay isagoo qirayย xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya ciidamada AMISOMย iyo kuwa Soomaaliyaย sida uu u sheegay SNTV.
Mar wax laga weydiiyay arrimaha ku saaabsan shilalka eey ciidama AMISOM ย galaan in eey sabab u tahay xirfad la’aanta xagga ka xeeynta wadida gawaarida ayuu iska diiday GEN jiritaanka arrintas, taa badalkeeda waxย uu sabba kaga dhigay in eey jireen ciriira xagga wadooyinka ah iyo shakiย amni taasi oo badi uu sheegay in eey kalifto shilalka.
Hadii ay jiraan in eeysan AMISOM bixin wax mag-dhow ahย marka eeyย galaan shil, su’aal aheydย ayuu kagaย jawaabay inย uu jiro xafiis laga diiwaan geliyo dhibanayaasha oo waqtigiisa uu xilka taliska haayaay uu aad u dar-dar geliyay in eey bixiyaan mag-dhow marka eey shil galaan ciidamadaย AMISOM
ugu dambeyn Gen Subagle ย ย ayaaย ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in eey ciidamadooda u qiraanย in eey yihiin ciidama qaran isagoo intaas raaciyay in dowladnimada fursad la siiyo si eey u hesho waqti lagula xisaabtami karo.
Gen Osmaan Nuur Subagle ayaa xafiiskaย ka tegi doono maalmo kadib, waxa uuna xilka ku wareejin doonaa taliya cusub ee loo soo magacaabay howlgalka AMISOM.