Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo lafilayo in waqtiyada soo socda lagu dhawaaqo

Date:

Waxaa laga dhursugaya in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland,iyadoo guddiga doorashooyinka lafilayo in uu ku dhawaaqo natiijada,taasi oo shaacinaysaa madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo.

Wuxuu sheegay Guddiga Doorashada in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibileey,wuxuuna intaasi ku daray  in Maanta ay shaacin doonaan Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Geesta kale  Xisbiga Wadani ayaa muujinaya markale mucaarado xoogan isagoo xubnihii uga qeybgalayay goobjoognimada doorashadaasi,,wararka ayaa tilmaamaya  in Xisbiga Wadani uu Saluugsan yahay Natiijada ay ka heleen Gobolka ay Soomaliland ula baxday Maroodijeex oo ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa siweyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada,Ilaa iyo haatan lama saadaalin karo cidda ku guuleysatay doorashada,balse maalmahan waxaa jirey kacdoon rabshado dhaliyay kadib markii xisbiga wadani uu eedeymo u jeediyay guddiga doorashada,iyadoo guddiguna uu iska fogeeyey eedeymahaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad ah

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...