Maxakamadda Ugu sareysay ee Kenya oo Sharciyaysay dib u doorashadii Kenyatta

Date:

Iyadoo siweyn loo sugaya go’aano ku aadan sharciyada dib u doorashadii madaxweyne Uhurru Kenyatta,ayaa Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya waxaa ay meesha ka saartay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta,taasi oo ahayd mid siweyn loo sugayay.

Ilaa 6 garsoore oo dhageysanaysay dacwaddan ayaa isku raacay  natiijada guusha madaxwayne Uhuru Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Waxaa Go’aankan ay qaadatay maxakamadda sare ee Dalka Kenay uu waddada u xaarayaa in madaxweyne Uhurru  Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo,tasi oo haatan qaban qaabadeeda ay socoto.

Waxaa la aasaasey Maxkamadda ugu sareysay Dalkaasi Kenya oo sanaddii 2010,iyadoo taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.

Taageerayaasha madaxweyne Kenyatta ayaa aad u so dhaweeyey Go’aankaasi,waxaana la arkayay dadweyne aad u badan oo dabaal degyo sameynaya.

Madaxweynaha Kenya Uhuuru Kenyatta ayaa waxaa lafilayaa in dhawaan uu soo dhiso dowlad,isagoo ay horyaaliin arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan maareynta mucaaradada faraha badan ee ka imaanaya xoogaga Mucaaradka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...