Madaxweyna Farmaajo oo Addis Ababa kaga qeyb-galayo Shir madaxeedka Midowga Afrika.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika.

Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka aasaaska u dhigay Ururka Midowga Afrika, ka qeybgalka Madaxweynaha ee shirkanna waa mid aan dooneyno inaan sare ugu qaadno xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee aan la leenahay qaraadda inteeda kale.”

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda Afrika, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal.

Magaaladda Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gogol xaar u ahaa Wafdiga Madaxweynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Diiwaan-hayeyaasha Midowga Afrika oo lagu soo xiray magaalada Malabo

Waxaa Magaalada Malabo ee Caasimadda dalka Equotorial Guinea ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay jiidaha dagaalka Shabeellaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi...

Wasiirka Dekedaha XFS oo ka qeyb-galay Shirweynaha Isku xirka Caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Magaalada Dhuusamareeb oo laga xusay Maalinta Xorriyadda Jabuuti ee 27-ka Juun

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin...