Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan la yeeshey jaaliyada Switzerland

Date:

Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xalay kulan la qaatay Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland iyo Nawaaxigeeda.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi wanaagsan iyo isfaham ayaa waxaa la hadlay Dadkii ka soo qeybgalay kulankaasi Raiisul-wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sheegay in Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay rabaan dawladnimo.

Mudane xasan Cali Kheyre oo la hadlaayay Dadkii ku noolaa Wadanka Switzerland iyo Nawaaxigeeda ayaa yiri, “waxaannu isla garanay in Soomaaliya jidkii dawladnimada hayso, iyaguna ay taageeraan dawladdooda”.

Raiisul-wasaaraha ayaa beryahaanba ku sugnaa Magaalada Davos ee Dalka Switzerland, halkaasi oo uu kaga qeybgalay Shir-madaxeedka Dhaqaalaha Adduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...