Agaasimaha HSJ oo kormeerey Xafiisyada Hay’adda ee ku yaallo Guriceel

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyoJinsiyadda Soomaaliya Col. Maxamed Aadan Koofi ayaa kormeerey xaafiisyada hay’addu ku leedahey magaalada Guriceel, isaga oo halkaas kula kulmay shaqaalaha ka howlgala iyo qaar ka tirsan bulshada Guriceel

Kormeerka oo uu agaasimaha ku wehlinayey madaxa howlaha hay’adda ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta hab-sami u socodka howlaha hay’adda, wuxuuna saraakiisha kula dardaarmey in ay u guttaan waajibka Qaran si waafaqsan sharciyada dalka.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa ku guda jira kormeerka sanadlaha ah ee uu ku sameynayey xaafiisyada iyo howlaha hay’adda guud dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna hore u soo marey qeybo badan oo dalka ah.

Socdaalkan uu agaaasimaha ku marayo xafiisyada Hay’adda ee basaboorada laga bixiyo iyo xafiisyada Socdaal ee ku yaala Xaduudaha Dalka ayaa ujeedkisa waxa uu yahay kormeer lagu hubinayo habka ay shaqada uga socoto xafiisyada Hay’adda iyo in la dhageysto bulshada ku dhaqan meel kasta oo uu ku yaalo xafiis ka mid Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda si loo ogaado cabashadooda iyo talooyinka ay bixinayan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...