Ciidamada xooga dalka uu qayb wayn ka qaatay in la adkeeyo amaanka magaalada gaalkacyo

Date:

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka soconaya howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo laguna adkaynayo nabad geliyada magaaladaasi.

Howlgalka ayaa sii kordhay markii dhawaan ciidamo gaar ah oo isku dhaf ah loo sameeyey magaalada Gaalkacyo,iyadoo Taliyaha qeybta 21-aad ee  Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed uu faahfaahin ka bixiyay howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka oo laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo.

Janaraal  C/llaahi Maxamed Xuseen Ciro oo warbahinta lahadlay ayaa xusay in bulshadda Magaalada Gaalkacyo si wanaagsan ula shaqeeyeen Ciidamada xoogga dalka intii wadeen howlgallada.

Taliye Ciro ayaa intaasi ku daray in ciidamada isku dhafka ah ay talaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo isku dayda in ay dhibaato ka geysata magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wixii ka dambeeyey markii Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Garod uu dhawaan sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka qeyb qaadan doonaan Xasilinta gobolka Mudug, waxaa la dareemayay isbedelo dhanka ammaanka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...

Duqa Muqdisho oo Salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Degaanka Gubadley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweyne JFS oo Salaadda Ciidda Carrafo la oogay Kumannaan Shacab ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...