30 qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Kenya.

Date:

Wararka ka imaanaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in shil gaari oo geystay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhawac uu ka dhacay Dalkaasi.

Sida uu qorey wargeyska The Star ee ka soo baxa Dalka Kenya,Inta la ogyahay 30 qof ayaa ku geeriyootay 18 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari Bas ah oo ay saarnaayeen dad rakaab ah uu ku dhacay gaari Xamuul ah.

Shilkani ayaa waxaa uu ka dhacay bartamaha Dalka Kenya,gaar ahaan magaalaad Eldoret ee Gobolka Nkuru ee Dalkaasi Kenya.

Gariga Xamuulka ah ayaa ka yimid Nakuru halka gaariga kale ee siday dadka Rikaabka ah uu ka yimid magaalada Busia, ee isla gobolkaasi.

Hay’adda Laan Qeyrta Cas ee Dalka Kenya ayaa sheegtay in ilaa 18 qof ah ay sidoo kale dhaawacyihiin kuwaasi oo la dhigay isbitaalada Dalkaasi Kenya.

Warbaahinta Dalka Kenya ayaa sheegaysa in Baska xiliga shilka uu dhacayay uu ku socday waddo qaldan,oo aan ahayn wadadiisa saxda ahayd,taasi oo keentay shilkaasi oo dad badan ay ku waxyeeloobeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey xeer-nidaamiyaha Xukuumadda 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo galay maalintii labaad

Bandhigga oo sanadkii 6-aad ka qabdoomay magaalada Muqdisho wayaa...

Soomaaliya iyo muritaaniya oo iska kaashanaya ka hortagga musiiboyinka 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane.Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo Iskaashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...