Dowladda Soomaaliya Oo Baaritaanno Kadib Ka Hadashay Weerarkii Hoyga Senetor Cabdi Qeydiid

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaritaanno kadib ka hadashay falkii ay ciidammo ku galeen hooyga uu Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qeeydiid oo ah guddoomiyaha guddiga labada aqal ee Baarlamaanka JFS u qaabilsan dib u eegista Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow oo shacabka kala hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in ayada oo la fulinayo amarka madaxweynaha la qaaday tallaabooyin looga jawaabayey falkii lagu galay hooyga Senetor Cabdi Qeeydiid.

Wasiirka ayaa tilmaamay in loosoo qabtay falkaasi ciidammo tira badan iyo saraakiil isla markaana uu socdo baaritaan maadaama uu falkani yahay fal ugub ah oo lagu abuurayo qal qal gelin waxaana uu si aad ah carabka ugu adkeeyey in madaxda sare ee Dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ay ka mideysan yihiin in falka noocaan ah la sameeyo baaritaan dhab ah islamarkaana shacabka lala soo wadaagi doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatey Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...

Xidhibaan Qawdhan oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka 

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda...

Kulamo lagu xoojinaayo Amniga oo lagu qabtay Masagawaa 

Magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud ayaa martigelisay kulan...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay weerar...