Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo ka jawaabtay eedeymo ay soo jeediyeen Ciyaartoyda Jubbaland+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulankan qado sharafta ahaa oo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ay u sameysay qeybaha kaladuwan ee Warbaahinta ayaa looga hadlayay habsami u socodka tartanka ciyaaraha Kubadda Cagta ee ka socoda magaalada Muqdisho iyo dowrka Warbaahinta ay ka qaadan karto in bulshadu ay u tabiso ciyaarahaasi.

Kulanka kadib Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo lahadashey suxufiyiintii ka qeybgashey kulankaasi ayaa waxaa ay u soo bandhigtay cabashooyin ay soo gudbiyeen ciyaartoyda Jubbaland,taasi oo ahayd in koxda Kubadda Cagta ee Banaadir uu u dheeley ciyaaryahay dhalashidiisu ay tahay Kenyati.

“Guddiga dishibiliinka iyo aadaabta SFF markuu dib u eegey eedeymahaasi oo soo baray waxaa uu soo saarey go’aanadan,

1: In ciyaaryahanka la yiraahdo CabndiMajiid Cusmaan Ibraahim(N0.9) oo katirsan ciyaartoyda Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir uusan ahayn Ajanabi uuna ka qeybgalikaro dhamaan tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

2: Waxaan dhamaan ka qeybgalayaasha tartanka lagu wargelinayaa in ay ka qeybqaadan karaan qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah ha heysto Bassbor nuucuu doono ha ahaado ayay tiri,” ayaay tiri Wasiirka Khadiijo Maxmed Diiriye.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmayaa xili ciyaartoyda Jubbaland ay cabasho ka keeneen ciyaar yahanka N0.9 uga ciyaarah Banaadir,kadib ciyaartii furitaanka oo halkaasi ku dhexmartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga doorashooyinka oo qabtay kulan looga hadlayay dardar galinta Diiwaangalinta 

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dooraashooyinka Qaran iyo Soohdimaha Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maalinta Shaqaalaha Adduunka...

Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeybgalay Shirka Istanbul Natural Resources Summit

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo loogu soo dhoweeyay magaalada Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...