Wasiirka Difaaca Malaysia” Ciidamadeena waxay diyaar u yihiin Difaaca Qudus”

Date:

Muqdisho(SONNA);-– Wasiirka Difaaca Malaysia, Hishammuddin Hussein ayaa sheegay in go’aanka madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda rasmiga ee Israel ay tahay dharbaaxo Wejiga kaga dhacday Maslimiinta Aduunka oo dhan,isagoo tilmaamay in Militariga dalka uu diyaar u yahay inuu guto waajibaadkiisa haddii loo baahdo.

”  Ciidamada Hubeysan ee Malaysia (ATM),had iyo jeer waa diyaar,keliya waxay sugayaan amar kaga yimaada Hogaanka sare”,sidaasi waxaa Wakaaladda Wararka Malaysia ee Bernama u sheegay Hishammuddin Hussein oo ah Wasiirka Difaaca dalkaasi.

Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiir Hussein” Aan u barino in Khilaafka uusan horseedin Fowdo”,

Waxaa dad careysan ay banaannbaxo ay ka dhigeen safaaradaha Mareynkanka uu ku leeyahay dalalka Turkiga,Masar,Jordan,Tunisia,Algeria,Irag iyo wadamo badan oo caalamka ka mid ah,waxayna ka gil gisheen go’aanka qaldan uu qaatay madaxweynaha Mareynkanka ee Donald Trump.

Maanta oo Axad ah ayaa ku dhawaad 10,000  dad Induniisiyaan ah ku hor banaanbaxay banaanka hore ee safaarada Mareynkanka uu ku leeyahay caasimadda Jakarta,iyagoo taageero u muujinayo shacabka Falastiiniyiinta,sida AFP ku warantay.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin” diblomaasiyiinta Mareynkanka haka baxaan Qudus” xoreeya Jeruslem iyo Falastiin,” Waxaan garab taaganahay Shacabka Falastiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Xeyd oo ka qeyb-galaya Shirka Sanadlaha ee Guriyeynta Afrika

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-udhiska iyo Guriyeynta, Mudane...

Dowladda FS oo Puntland ugu baaqday inay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...