Guddoomiye Jawaari oo ka qeybgalay munaasabad ay ku qalinjebinayeen arday dhameysatay heerka 1-aad ee waxbarashada Jaamacadda

Date:

Muqdisho(SONNA):– Munaasabadaan  oo ay ku qalin jabinayeen  in kabadan 500 oo arday  oo dhameysatay  waxbarashada  kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda  Somali International  University  (SIU) kaasi oo  uu soo qaban qaabiyay  Maamulka Jaamacada  SIU ayaa lagu qabtay Magaalada  Muqdisho

Munaasabada  ayaa  waxaa ka soo qeyb galay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof, Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Jamaacada SIU, Waalidiin,  Macalimiinta wax ka dhiga jamacadda  Aradyda wax ka barta Jaamacadda SIU  iyo marti sharaf kale

Xasan Xuseen Gutaale oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaa  u mahad celiyay  Maamulka iyo macalimiinta  Jaamacadda  SIU sida hagar la’aanta ah uga qeyb qaateen wax barashada  Ardayda soomaaliyeed.

Madaxa Xiriirka  Caalamiga ee Arimaha Dibadda Dr. Andraw Okela oo ka socday Jaamacada Makareeri ee dalka Uganda ayaa  ka hadlay  muhiimada xiriirka labada jaamacadood  ee Makareeri iyo SIU.

Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya (SIU), Shaafici Diiriye  Cabdi ayaa ka warbixiyay tirada ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda  iyo kuliyadaha ay ka qalin jabiyeen.

Wuxuuna sheegay in tirada ardayda qalin jabisay ay gaarayaan in ka badan 500-Arday,kuwaasi oo dhameystay kuliyadaha ay bixiso Jaamacadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan  ayaa ku  booriyay ardayda  ka qalin jabineysa jaamacadda in ay sii laba laabaan wax barashadooda  isla markaana ku dadaalaan horumarka dalkooda hooyo

Gabagabadii munaasabada ayaa wax shahaadooyin la gudoonsiiyay Ardayda dhameysatay waxbarashada heerka  koowaad ee jaamacadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...