Taliyihii Taraafikada oo Muqdisho lagu aasey

Date:

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu aasay Allaha u naxriistee meydka Taliyihii Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Taraafiko Jenaraal Cali Maxamed Cali, kaasi oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Aaskiisa waxaa ka qeybgalay xubno ka kala tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda,siihayaha taliyaha ciidanka booliska,odayaal ehelad amarxuumka iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaan dadkii ka qeybgalay aaskaasi waxaa ay eebe uga baryeen in uu Janadii fardowsa uu ka waraabiyo marxuumka, oo u geeriyooday xanunnka Cancerka oo in muddo ah haayay.

Waxaa uu Taliyuhu geeriyooday xili uu kusgnaa  gurigiisa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa, waxaana  lagu wadaa in maanta maydkiisa lagu aaso qabuuro ku yaala magaalada Muqdisho kana qeybgalidoonaan aaskiisa saraakiil kala duwan oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo siihayaha taliyaha ciidanka Booliska ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida Jenaraal Cali Maxamed Cali (Cali Shari)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...