Guddoomiye Xumad iyo Wafdigiisa oo dib ugu laabtay Jabuuti+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha golaha Wakiilada qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay dalka ayaa maanta dib ugu laabtay wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamaiga ah ee Aadan Cadde  kusii sagootiyay kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka.

Ka hor inta aysan wafdigan ka ambabixin garoonka diyaaradaha ee Magaaladda muqdisho ayaa waxa ay la hadleen Warbaahinta ,waxaana Guddoomiyaha Golaha Wakiilada qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad uu sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta ay u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxdooda isagoo sheegay in mudadii dalka ay joogeen ay Arkeen horumarka dowladnimo oo uu dalka ku talaabsanaayo.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u sheegay wafdigan in dalka Soomaaliya uu yahay wadankooda oo aysan marti ku aheyn islamarkaana wada shaqeynta walaaltinimada ku dhisan ee labada baarlamaan ay mar walba joogto ahaan doonto.

Wafdigan oo todobaadkii lasoo dhaafay booqasho rasmi ah dalka kuu joogay ayaa intii ay joogeen kulamo la qaatay madaxda dalka iyagoo shalay heshiis iskaashi la saxiixday Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...