Dowladaha Soomaaliya oo Qadar oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho

Date:

Muqdisho(SONNA) Kadib markii maanta uu soo gaaray magaalada Muqdisho Wafddi ka socda Dowladda Qadar ayaa waxaa ay kulamo la yeesheen Wasiiro katirsan Dowladda Soomaaliya oo ay la saxiixdeen heshiis ku saabsan hirgelinta mashaariic horumarineed,iyadoo uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Heshiiskan oo ku kacaya lacag dhan 2 boqol oo milyen oo dollar ayaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  halka dowladda Qadarna uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta iyo maalgashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u hadlay Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageeradan ay dowladda Qadar u fidinayso shacabka Soomaaliyeed.

Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee aada magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada SHabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.

Wafdiga ka socday Dowladda Qadar ayaa sheegay  in ay qeyb ka qaadan doonaan shaqo abuurka dhallinyarada,sidoo kale dhismayaasha Waddooyinka ayey sheegeen in ay shaqo badan ka heli doonaan Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wafdiga ayaa sheegay in lacagtaasi lagu bixinayo mashaariic lagu horumarinayo Soomaaliya, kaas oo uu bixinayo Sanduqa  Caalamiga ah ee horumarinta Dalka Qadar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...