Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Booqday Saldhiga Turkiga ee Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Dowlada Turkiga ee Tababarka bixineyso, isagoo ka dhageystay Warbixin ku saabsan habka Tababarka uu socdo.

Xuseen Carab Ciise ayaa la hadlay Ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku dhiiri galiyay inay ka faa’iideystaan Tababarkan heerkiisu uu sareeyo, maadaama ay yihiin geesiyada difaaci doona dalka, lana dagaalami doono cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiil Soomaali oo ka mid ah Macalimiinta bixineysa Tababarka, waxayna warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka siiyaan sida tababarka u socdo, dhinkiisa Guddoomiyaha wuxuu u sheegay Saraakiisha in howl wanaagsan ay u hayaan Qaranka Soomaaliya lagana doonayo in ciidamada ay si joogta ugu bogaadiyeen si Wadaniyad iyo dal jaceyl ku jiro inay u qaataan tababarka, isagoo sheegay in tababarka ciidamada la mideyn doono si loo helo ciidamo Tababar isku mid ah qaba..

Guddiga Difaaca Baarlamaanka ayaa gaba gabadii mid mid u kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...