Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho soo gaarey+(Sawiro)

Date:

Waxaa maanta Khamiis ah magaalada Muqdisho soo gaartay diyaarad siday Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyey

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa lafilayaa in uu ka qeybgalo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka,islamarkaana uu lakulmi doono Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti uu soo gaari Soomaaliya,balse waxaa horey u yimid guddoomiyihii hore Iriris Arnaud Cali.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa shalay xarunta Golaha Shacabka ka sheegay in 23-ka bishan oo maanta ku beegan uu Muqdisho soo gaarayo Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7-aad...

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyay Toddobaadka Qaran ee Dhir-beerista

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka...

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay...