Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo maanta Baydhabo ka dhagax dhigaya Xabsi cusub

Date:

Baydhabo(SONNA) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaaladaasi kaga qeyb galaya munaasabad lagu dhagax dhigayo Xabsi cusub oo laga dhisayo magaalada Baydhabo.

Xabsiga oo qeyb ka ah mashaariicda Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala kaashaneysa Beesha caalamka ayaa laga dhisayaa duleedka Waqooyi ee magaalada Baydhabo halkaasi oo uu maanta ka dhagax dhigayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhagax dhiga xabsiga cusub ee laga dhisayo magaalada Baydhabo waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka,maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wariyaha Warbaahinta Dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo Siraaji Sheikh Isxaaq oo ka hadlay ujeedka laga leeyahay dhismaha xabsiga cusub ayaa sheegay in baahi weyn oo dhanka xabsiga ah ay ka jirto deegaanada Koonfur galbeed,islamarkaana xabsiga hadda dhisan uu qaadeyn tiro badan oo maxaabiis ah hadana uu la ciir ciirayo kuwa ku xiran.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo isagoo lugta soo mariyay meelo badan muhiim ah oo ka tirsan magaalada Baydhabo gaar ahaan xarumaha maamulka uu ku shaqeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...