Xukuumadda Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Somaliland

Date:

Muqdisho (SONNA) Xukuumadda Soomaaliya ayaa Hambalyo u dirtay Madaxda cusub ee Maamulka Somaliland ee ku guuleystay doorashadii ka dhacday deegaanada maamulkaasi.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ‘Khadar” oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in wax badan oo hormar ah ku tilaabsadeen Somaliland.

“Waxaan halkan Hambalyo uga dirayaa Somaliland iyo Madaxda Cusub oo ay doorteen waxaa ay muujiyeen dadka Somaliland dareen aad u wanaagsan kaas ayaana ah kan hormar kasta lagu gaari karo, Madaxda Xisbiyadda ayaa iyana dhankooda muujiyay dulqaad aad u wanaagsan”.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed waxa uu sheegay in looga baahan yahay Hogaanka Cusub ee Somaliland inay dar-dar galiyaan Wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Doorashadii ka dhacday Deegaanadda kala duwan ee Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay Xisbiga Kulmiye kaas oo hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu taladda Maamulka Soomaaliland heyn doona Shanta Sano ee soo socota.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...