in kabadan 20 qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Ciraaq

Date:

Ciraaq(SONNA) Waqooyiga Magaalada Baqdaad ee Caasimadda Dalka Ciraaq ayaa waxaa ku dhimatay  Ugu yaraan 23 iyo lixdan kale oo la dhaawacay kadib markii halkaasi lagu qarxiyaya gaari ku rarnaa waxyaabaha qarxa.

Laamaha Amaanka dalka Ciraaq ayaa sheegayaa in Qaraxu uu ka dhacay  suuq  aad u mashquul badan kaasi oo kuyaala bartamaha magaalada Tuz Khurmatu oo qayaas ahaantii 160 KM dhanka Waqooyi kaga aadan magaalada Baqdaad.

Waxaa isbitaalada la dhigay dad aad u farabadan kuwaasi oo dhaawacyo kaladuwan uu ka soo gaarey qaraxaasi oo lala beegsaday suuq aad u mashquul badan

Majiro ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi,balse inta badan waxaa halkaasi weerarada bartilmaameedka ah ka fuliya koxda Daacish.

Xaydar Al-Cabaadi Raiisul Wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in uu ay dhow dahay waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah Daacish,kadib markii deegaanadii ugu dambeeyey ay qabsadeen ciidamada Ciraaqiyiinta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...